Dowlada Somaliya oo ka hor timid soo jeedinta Faransiiska

Faransiiska,ayaa soo jeediyay in xadgudubka Sharci ee Itoobiya ay ku samaysay Midnimada iyo Qaranamida Somaliyed lagu celiyo IGAD iyo Midowga Afrika.

Ujeedka Faransiisku,waa garabsiin soo jeedintii Itoobiya ee ahayd in arinka Badda lagu xaliyo Gudaha Afrika,taasoo ay u arkaan in ay fursad utahay Itoobiya.

Faransiisku,waa Madaxweynaha xilligan ee Golaha iyo maalgeliyaha Ciidamada Badda Itoobiya.

Dowlada Somaliya,ayaa soo jeedinta Faransiiska ganafka ku dhufatay,waxayna dalbatay fadhi kale oo Golaha amaanku kaga xaajoodo arinkan.

Maraykanka,Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka,ayaa ku taageeray Somaliya diidmadeeda iyo soo jeedinteeda Labaad.

Laba Todobaad ayay qaadataa marka Dowlad soo gudbiso codsi in Goluhu fariisto oo ka xaajoodo.

JQ.