Hot Topics

Boqorka UK oo laga helay Xanuunka Kansarka

Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa natiijada xanuunkan laga helay boqorka ay soo baxday xilli uu horraanba qaadanayay daweyn la xiriirta xanuunada ku dhaca qanjirka loo yaqaanno ‘prostate-ka’,

Boqorku waxa uu geli doonaa marxalad daawayn, laakiin waxa la rumaysan yahay in kansarkan laga helay uu weli kujiro marxaladdiisii hore.

Bayaanka ay soo saartay Qasriga Boqortooyada ma aysan shaacin nooca kansarka, laakiin waxay sharraxday in boqorku uu bilaabay qaadashada “daawaynta caadiga ah” ee xanuunkan.

Boqorka ayaa si shaqsi ah ugu wargaliyay labadiisa wiil xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay in Amiir William uu xiriir joogto ah la leeyhaay aabihiis.

Amiir Harry, oo ku nool Mareykanka, ayaa waxa uu la hadlay aabihiis wuxuuna u safri doonaa Boqortooyada Ingiriiska si uu arko isaga maalmaha soo socda.

Boqorka ayaa ku soo laabtay London isagoo ka yimid Sandringham Norfolk subaxnimadii Isniinta, qasriga ayaa sheegay inuu bilaabay daawaynta bukaan socod ahaan.

Qasriga Buckingham ayaa sheegay in boqorku “uu aad u wanaagsan yahay uuna rajeynayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto shaqadiisa xafiiska dadweynaha.”

Boqorku wuxuu dib u dhigi doonaa dhammaan hawlihiisa dadweynaha, Boqorad Consort Camilla iyo Prince William ayaa waxay gacan ka geysan doonaan inay u matalaan qaar ka mid ah waajibaadkiisa inta lagu jiro muddada daaweynta.