Hot Topics

Socdaalka Diblomaasiyadeed Ee Blinken iyo Bariga Dhexe

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniinti shalay aheyd magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiha Maxamed Bin Salman, kulankaas oo billow u ah booqashadi shanaad oo uu Blinken ku tagay Bariga Dhexe tan iyo inti uu billowday dagaalka ka socda Qasa.

Bilinken;ayaa u tagay Bariga Dhexe sidi uu u riixi lahaa heshiis uu wax ka dhex-dhexaadinayo Mareykanka oo la rabo in lakala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, qorshaha dib u dhiska Qasa kagaalka kaddib iyo in la qaboojiyo xiisadda Gobolka.

Kulanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman,ayaa qaatay muddo laba saacadood ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller,ayaa sheegay, in Blinken iyo Dhaxalsugaha ay ka wada hadleen iskaashi uu gobolka ka galo guul waarta oo laga gaaro qalalaasaha.

Wuxuu kaloo sheegay, in Blinken uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Gaza iyo in laga hortago in colaadda ay kusii baahdo gobolka.