Hot Topics

Cadaadiska caalamka oo kusii badanaya Ra’isalwasaare Abiy

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya,” ayuu yiri isaga oo ula jeeda ciidamada Itoobiya ay ku tabarucdo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab;waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababtoo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo,”Ayuu yiri Abiy.

Hadalkan jawaab ku filan uma ahan soo jeedintii caalamka iyo cadaadiskii lagu saaray in uu ka laabto heshiiska uu la galay SL,isla markaana uu si cad udul ustaago Midnimada iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya.

Caalamka oo idil,ayaa Itoobiya ku cadaadiyay ka laabashada heshiiskaas iyo ixtiraamka Qaranimada Somaliya.

Shirkii Imaaraadka ee Amniga Somaliya looga xaajoonayay,ayaa ugu danbeeyay Madalaha Itoobiya laga cadaadiyay.

Jibril Qoobey