Hot Topics

Faahfaahin Qaraxyada ka dhacay Magaalada Muqdisho

Tiro Madaafiic ah,ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ,waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda,ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin.

Khasaare xoog leh oo iskugu jira Todobo Qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca Saddex kale,ayaa ka dhashay weerarkaas.

Qaybta lagu iibiyo Alaabta Elektoroonikada,ayaa khasaaraha ugu badan soo gaaray.