Hot Topics

Manhajka Xanaanada Caruurta Puntland oo la daahfuray

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland,ayaa daahfurtay Manhajka Waxbarashada Xanaanada Caruurta oo la qoray Luuqada Somaligana loo turjumay, Manhajkaan hadafkiisu waxaa weeye in lagu tababaro barayaasha.

Wasaaraddu waxay isugu yeertay khuburo ku xeeldheer waxbarashada si ay u lafa guraan,una hubiyaan Qoraalka iyo Turjumaada Manhajka.

Wasiirka Wasaarada Dr.Cabdullahi Maxamed Xassan iyo Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda Mudane.Dr. Cabdullahi Axmed,ayaa furintaankii ku booriyey khuburada in ay si qoto dheer u fiiriso manhajka luuqada soomaliga ah ee lagu turjumayna u hubiyaan si aan loo lumin micnaha saxda ah, loona ilaaliyo in aan la lumin erey bixinta manhajka ee ku haboon .

Wasaarada waxaa ka taageeray qorida iyo turjumida Manhajkan hay’ada Unicef oo Faatuma Cali Xassan ku matalaysay kulankaan.

Dhankiisa waxaa kulankaan daadihinayey Lataliye Mohamed Jama Geelle, waxaana uu si dhow ula shaqayn doona khubarada wasaaradu u xilsaartay lafagurida iyo hagaajinta Manhajka.

Wasaarada,ayaa dhawaan ku tababari doonta barayaasha xanaanada Caruurta Manhajkan.