Hot Topics

Maxay tahay ujeedka Xasan Ee farataysiga Dastuurka Fadaraalka?

Xasan Shiikh markii uu aqbalay Caleema saarka Deni kasoo qaybgalkiisa,ayaa la marsaday Kaarka Siyaasadeed.

Sidoo kale Gogosha PL markuu Garowe joogay in uusan aqbalin ayay ahayd oo hadal ka tagin.

Saakay Xasan waxa ufuran oo kaliya,waa in uu yimaado Gogoshaas gudaheeda ku dhex loolamo.

Baarlamaan laga hadal siiyo,Xildhibaano Dhabarka laga taabto oo Wasiiro loo ballanqaado iyo wax ka badal Dastuur oo laga sharqamiyo ma baajin karaan Gogosha ugumana dabcayo Deni.

Ujeedka ugu weyn ee uu ka leeyahay Xasan Dastuurka iyo ka sharqamintiisa,waa awood ka raadin iyo in uu Gogosha Garowe yimaado,isagoo wax uu ku gorgortamo wata.

Xasan,waa og yahay in Labadii Sano ee Dowladnimadu macnaha lahayd dhamaatay,waxa uharayna ay yihiin loolanka udiyaar garowga Doorashada.

Jibril Qoobey.