Hot Topics

Maxaa kala soconaa qorshaha iibinta Dhulka Dowlada Xamar Ee Xasan Shiikh?

Nin Ganacsade ah oo ay isku jifo hoose yihiin oo lagu magacaabo Cabdinaasir Cali Adoon,ayuu si rasmi ah ugu wakiishay Iibka Dhulka Dowlada ee Xamar.

Dhamaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Xamar,ayuu iskugu yeeray,waxuuna ku amray in ay arimaha Dhulka uhoos tagaan Cabdinaasir Adoon,iyadoo la faray Degmo walba in ay soo diyaariso Dhulka Dowlada ee ku yaal.

Kadib,wuxuu uyeeray Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho,si la mid ah,ayuu ufaray in uu arimaha Dhulka kala shaqeeyo Cabdinaasir Adoon.

Markaas,ayay Degmooyinku soo diyaariyeen Dhulka Dowlada oo gaarayay 48-Xrumood,kadib waxaa MW usameeyay Digreetooyin lagu amrayo iibinta Dhulkaas,waxaana saxiixiisa raaciyay Duqa Magaalada,ugu danbayna,waxaa Gacanta laga saaray Cabadinaasir Adoon.

Ganacsatada Muqdisho,ayuu Cabadinaasir iskugu yeeray,waxuuna hordhigay in uu wakiil ka yahay MW,markay xaqiijin ka codsadeena toos buu ula hadal siiyay.

Haatan,waxaa miiska saaran iibinta Dhulka Dowlada oo Xasan uwakiishay Ganacsadahaas.

Shirkadaha ugu waa weyn ee ku loolamaya,waxaa ka mid ah Hormuud iyo Dahabshiil.

JQ.