Hot Topics

Madaxweynaha Masar oo kusoo wajahan Somaliya

Maalinka Berri foog ah,waxaa imaanaya Muqdisho Madaxweynaha Masar Sisi.

Booqashadan,ayaa timid casumad rasmi ah oo ay Dowlada Somaliya horay ugu fidisay Madaxweynaha Masar xili uu booqday MW Xasan Shiikh.

Somaliya,waxay uleedahay qiimo gaar ah booqashada MW Masar ee Muqdisho…

1.Waxay kor uqaadaysaa maqaamka soo kabasho ee Dowladnimada Somaliya dhinac walba.

2.Waxay jawaab utahay xadgudubka qaawan ee Itoobiya ay ku samaysay Qaranimada Somaliya.

Madaxweynaha Masar,wuxuu si cad usheegay in uu garab taagan yahay Qaranimada Somaliya oo haday hiil nooga baahdaana ay imaanayaan.