Hot Topics

Maraykanka oo udiraya Abiy wefti sare oo ku cadaadiya ka laabashada heshiiska SL

Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Molly Phee,ayaa u safri doonta Itoobiya Toddobaadka soo socda.

Socdaalkeedu,wuxuu ku aadan yahay ka qaybagalka Shirwaynaha Midowga Afrika ee Sanadlaha ah.

Marka laga soo tago ka qaybgalka Shirweynaha Midowga Afrika,waxay kaloo balansan yihiin oo ay la qaadan doontaa kulan muhiim u ah Gobolka RW Abiy.

Arimaha Miiska saaran ee ay kala xaajoondoonto Abiy,waxaa ka mid ah…

1.Xasiloonida gudaha ee Itoobiya oo sii xumaanaysa oo ay ugu horeeyaan colaada Amxaarada iyo xaalada Gobolka Tigreega.

2.Walaaca Maraykanku ka qabo heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland MOU.

Maraykanku si gaar ah,wuxuu u arkaa heshiiskaas kaas inuu khatar ku yahay amniga Qaranka Maraykanka iyo xasiloonida Gobolka.

Waxaa la filayaa in Abiy la gaarsiiyo fariintii ugu danbaysay ee Maraykanka oo ku Aadan Heshiiskaas.

JQ.