Hot Topics

Afar Sarkaal oo udhashay Imaaraad iyo Baxrayn oo la xaqiijiyay geeridooda

Weerar toogasho ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Jeneral Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan Afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen saraakiil kale.

Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo Askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin.

Dawladda Fadaraalka Soomaaliya illaa haatan faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana isla goobtii lagu dilay Askarigii ka dambeeyey weerarkan toogashada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku in ay sameeyaan baaris degdeg ah.