Hot Topics

Madaxweyne Xasan Shiikh oo amray Baaritaan deg-deg ah oo lagu sameeyo weerarkii Jen.Gordan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo weerarka dib dhaawacyada ku booqaday isbitaalka Digfeer,ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris deg-deg ah.

Madaxweynaha,ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,”Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Fadaraalka Soomaaliya illaa hadda faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla.

Waxay sheegteen in ay halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday Wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka, balse ma jirto cid ka Madax-banaan kooxda oo soo bandhigtay khasaaraha inta uu la egyahay.