Hot Topics

Maxay isku qabteen Talyaha PSF iyo ilaalada Madaxtooyada ?

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd in wixii harsanaa la dhamaystiro oo uu la kulmo Talyaha PSF MW Deni.

Balse isfahanwaa dhexmaray Ciidamada ilaalada Madaxtooyadayada iyo Maxamuud Diyaano,ayaa sababay in uu baaqdo oo uu caro uga laabto mid ka mid ah Baraha laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada.

Waxa ugu weyn ee laysku maandhaafay,waxay ahaayeen Ilaalada uu la gudbayo Talyaha PSF ee uu la galayo gudaha.

Kadib,waxaa arinka soo dhexgalay MW Deni,waxaana Gacanta arinka ku dhigay Boqorka,Asad iyo Cumar,waxaana dhacaya kulankii baaqday.

Arimaha ugu waa weyn ee harsan,waxaa ka mid ah…

1.Ka heshiinta Shirkad Macdanta ah oo ka hawlgalaysa Xaafuun.

2.Shirkad Cusbada ah oo laga hurgelinayo Hurdiya/Xaafuun.

3.Ciidamada PSF iyo Mushahaaraadkooda .

JQ.