Hot Topics

Tababaradii Ciidamada oo Imaaraadku usoo wareejinayo Bosaso

Xero baaxad leh oo ku taal goob muhiim ah,aadna uqalabaysan laguna tababari karo intii la doono oo Ciidan ah,ayaa ku taal Bosaso.

Xeradaas,waxaa Gacanta ku haya Dowlada PL,waxaana suga amnigeeda Ciidamada Badda PL oo ah dhalinyaro Somaliyed oo ka fog xagjirnimo iyo musuq.

Dowlada Imaaraadka oo fulinaysa qorshe ay ku tababarayso Ciidamo Somaliya oo la rabo in la gaarsiiyo ilaa 20-kun,ayaa soo jeedisay in ay isticmaasho Xeradaas,iyadoo ku xulatay arimaha aan soo sheegnay.

Balse MW Xasan oo ka duulaya dhaqaale raadin iyo Eex,ayaa diiday oo ku khasbay Imaaraatiyiinta in ay ku hawlgalaan Xerada Jen.Gordan ee Muqdisho.

Waxaa jira haatan warar soo baxaya oo sheegaya in Imaaraadku usoo wareejinayo tababarada Xerada Bosaso kadib Weerarkii Maalin ka hor dhacay.

Si walba oo ay tahay,wixii ka dhacay Xeradaas,waxay ahaayeen fal argagixiso oo ka dhan ah dib usoo kabashada Dowladnimada Somaliya.

JQ.