Hot Topics

Midowga Yurub oo si weyn ucanbaareeyay Xasuuqa ka dhacay Gobolka Amxaarada

Midowga Yurub,ayaa maanta soo saaray bayaan ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ay ka qabaan dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Merawi ee Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Midowga Yurub,ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-banaan.

Midowga Yurub,ayaa sidoo kale sheegay in xaalada deg-dega ah ee dhawaan lagu kordhiyay Gobolka Amxaarada ay tahay go’aan welwel leh oo hoos udhigaya xuquuqda aadanaha ee dadka halkaas ku nool.”

Ururka oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in ay mar kale cadeynayaan in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Geeddi-socod kasta oo horseedi kara wada-hadal,dib-u-heshiisiin iyo nabad,si xal siyaasadeed looga gaaro colaadaha taagan,waxayna ku booriyeen dhammaan shacabka Itoobiya in ay qaataan dariiqa wadahadalka.

“Xal nabadeed oo keliya,ayaa keeni doona in si waara loo soo afjaro colaadaha dalka”Ayaa lagu yiri Bayaanka.