Hot Topics

Faallo:-Axmed Madoobe iyo Xasan Shiikh oo isgaadaya??

Maanta waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Jamuhuriyada Federalka Somaliya Mudane Dr Xassan Shiikh uu booqasho shaqo ku tago Magaalada Kismayo,waxaase la iswaydiinayaa muxuu yahay arrimaha hortabinta leh ee ku jiri kara Ajendeyaasha Madaxwaynaha.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo Madaxtooyada Somaliya ku dhow waxay muujinayaan in Madaxwaynuhu kala hadli doono Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Islaam arrimo la xiriira fulinta Qodobadii ku jiray heshiiskii NCC ee bishii May 2023.

Qodobada laga filayo in Mudane Axmed kala shaqeeyo Madaxwaynaha Qaranka fulintooda waxaa kamid ah…

1. In laga guuro habka Baarlamaaniga ah oo loo guuro habka Madaxwaynaha.

2. In Dalku yeesho Laba Xisbi oo ku tartama hogaanka Dalka.

3. In muwaadinimadii ku salaysnayd isirka laga dhigo mid ku kooban Jamhuuriyada.

4. In Ciidanka Jubaland qayb kamid ah la Qarameeyo.

5. Mudane Axmed Dagaalka Alshabaab ka qayb qaato.

6. In Guddiga Doorashada Qaranka Labadii Xubnood ee uga mid noqon lahaa Jubaland uu soo magacaabo.

7. In Dowlada Dhexe lagu wareejiyo Customska Dekada,Garoonka diyaaradaha iyo Arrimo kale.

Dhamaan Qodobadan waa kuwii uu Mudane Axmed saxiixay bishii May 2023.

Mudane Axmed wuu ka soo diiday kal hore Ra’iisalwasaaraha waxaana hada la iswaydiinayaa ma ka yeeli doonaa Madaxwaynaha?

Sidoo kale ila wareedyo ku dhow mudane Axmed waxay sheegayaan in uu Qodobadan ku aqabali karo kali ah hadii Madaxwaynuhu ka ogolaado in uu Shan Sano oo cusub dib isu doorto.

Su’aasha meesha taala waxaa weeye?

1. Muxuu noqon doonaa go’aanka Madaxweyne Xasan hadii arrimahan laga diido ?

2. Suuro gal matahay in Madaxweyne Xasan Mudane Axmed ka yeelo give and take. Adna shanta sano is dooro ana tayda ii fuli?

Qore:-Cabdi Cali Raage.