Trump oo uu kasoo yeeray hadal walaac ku abuuray Gaashaanbuurta Natto

Trump,waxa uu ka kacay hadal si weyn uruxay Caasimadaha Yurub oo khalkhal geliyay Gaanshaanbuurta Natto.

“Wadankii aan bixin Lacagta Natto ma difaacayno oo waxaan leenahay haduu damco in Ruushku ku duulo weerar”Ayuu yiri Trump.

Xiligan,waa Musharax MW Trump,waxaana dhici karta in uu noqdo MW badali doona Biden,taasoo ka dhigan in uu ficil ubadali doono hadalkiisa.

Wadan kasta oo Xubin ka ah Gaanshaanbuurta Natto,waxaa waajib ku ah in 2% Miisaaniyadiisa u isticmaalo Difaaca,waxaana jira Dalal aan sidaas yeelin sida Jarmalka oo Sanadkii tagey aan gaarin heerkaas.

Maraykanka,ayaa ku bixiyay Difaaca dhaqaale gaaraya $877-Bilyan halka Dallaka Midowga guud ahaantood ay ku bixiyeen $266-Bilyan.

Aqalka Cad,ayaa ka hor yimid hadalka Trump.

Maraykanku marka laga soo tago in uu yahay Wadanka ugu Dhaqaalaha weyn Caalamka hadana waa Quwada Milleteri ee Aduunka,isticmaalka dhaqaalihiisa fara badan ee Difaaca,waxay usamaysaa saamayn balaaran.

Si gaar ah Natto oo uu ka yahay Xubinta ugu awooda iyo saamaynta badan,waxaa ka dhigay dhaqaalaha doorka ah ee uu ku bixiyo Gaashaanbuurta hawlaheeda.

JQ.