Hot Topics

Faallo:-Puntland iyo Reer Galbeedka waa in aan loo dhaxayn

Puntland,waa in aan nalaga xigsan dhanka Galbeedka oo aan haysanaa doorkiinii la macmiilka Reer Galbeedka ee Somaliya.

Maraykanka markan,waxaa ka go’an in uu Somaliya Dowladnimadeeda istaajiyo,isagoo tiisa ka dhex arkay,taasina waxay ubaahan tahay la jaan qaadid.

In aan Xasan la loolano iyo in aan Galbeedka nalaga xigsan waa Laba Shaqo oo noo taal.

Galbeedku,waa hogaanka Siyaasada,Milleteriga iyo Dhaqaalaha caalamka.

Si gaar ah,hadaan nahay Somali,waxaan wada yeelanay isdhexgal Diimeed,Dhaqan iyo Nololeed oo in ku dhow Hal Milyan oo Somaliya,ayaa ka mid ah Bulshooyinka Reer Galbeedka Maanta,kuwaasoo la wadaaga Nololaha ay ku nool yihiin.

Reer Puntland hadaan sii nahay,isfahanka Dimuqraadiyada,bisaylka nidaamka iyo Noloshaba Dadka ugu horeeya ee Galbeedku la jaanqaado,ayaan nahay.

Somaliya fursad weyn ayay haysataa Maanta ee waa in uu MW Deni fahmaa oo dhisaa Gole Xukuumad oo la jaanqaadi kara Siyaasada Juquraafiga ah ee Geeska,Bariga Dhexe iyo Gudaha Somalida.

JQ.