Hot Topics

Halkee ka imaanayaan Ciidamada Shisheeye Ee Somaliya kusoo wajahan?

Waa wax lasii ogaa in ay adag tahay Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka in ay ka maarmaan Ciidamo Shisheeye oo ilaaliya Xarumaha Dowlada iyo goobaha adeega Bulshada sida garoomada iyo Dekedaha.

Haatan si cad ayay usoo baxday in marka uu dhamaado wakhtiga loo qabtay in ay Wadanka uga baxaan Ciidamada Atmis in la keeno kuwo hor leh oo yeelan doona Magac iyo waajib cusub.

Ciidamadaas,waxaa ku jiri doona 2000 oo Boolis Ugandhays ah,mase cada in Wadamo Afrikaan ah ay kawada koobnaan doonaan,waxaase jira xogo sheegaya in Wadamo kuwo R.Galbeed ah ay ku jiraan.

Tiradooda,waxaa ku sheegay La taliyaha amniga Qaranka ee MW Xasan 3-8-kun oo Askari.

Halkaa,waxaa ku fashilmay qorshihii amniga Qaranka ee Somaliya ee salkiisu ahaa dib u istaajinta Ciidan Qaran oo Somaliya yeelato,kuwaasoo hanta Amniga guud ee Wadanka.

Heshiiska Iskaashi ee Maraykanka iyo Somaliya,wuxuu ka dhigan yahay,isaguna in aan la dhisayn dhawaan Ciidan Qaran oo Somaliyed,taa badalkeeda Maraykanku sii taageero Ciidamada Somalida ah ee uu Gacanta ku hayo.

Jug jug meeshaada joog haba yaraatee majirto wax horumar ah oo la sameeyay.