Hot Topics

Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay gafka Diblomaasi Ee Itoobiya ay kula kacday

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay sida uu ku gaaray xarunta Midowga Afrika kadib is hor istaag lagu sameeyay.

“Markaan damcay in aan aado Xaruntii Midowga Afrika ee Shirku ka socday,waxaa Gawaaridaydii hor istaagay Askar Itoobiyaan ah oo ii diiday in aado Xarunta”.Ayuu yiri MW Xasan.

Sidoo kale”Markaan Gawaaridii MW Geelle raacayna,waxaa nalaga hor istaagay si Wadajir ah in aan galno Shirkii,Aniga iyo MW Geelle”

Dad badan,ayaa qabay in uu tago MW Itoobiya in ay markii horaba khalad ahayd,isla markaana ilhaamada dhacday ay taasi fududaysay.

Balse haduusan tagin Shirka Midowga Afrika fariintaas fashilisay oo ceebaysay Diblomaaaiyadii Itoobiya miyaa gudbi lahayd?

Tagidii Adis iyo ka qaybgalkii Shirkii Midowga Afrika Labaduba,waxay ahaayeen dadaal fiican oo loo sameeyay kor uqaadida Diblomaasiyada Somaliya.

Mida Maanta dhabar jabka ku ahaan lahayd Somaliya,waxay ahaan lahayd Xasan oo Abiy hor fariistay,isagoon ka laaban heshiiskii uu la galay SL,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka