Hot Topics

Faalllo:-Maxaa la gudboon Madaxweyne Xasan Shiikh xilligan?

Madaxweynaha,waxaa laga rabaa in uu Afar Shay ku dhaqaaqo,kuwaasoo kala ah…

1.In Shacabka SL iyo Muuse lakala reebo.

2.In Shirka Garowe la qabto.

3.In la hakiyo Dastuurka waxka badalkiisa.

4.In looga faa’ideeyo Wadanka…

B.Dayn cafinta fursadeeda.
T.Cunaqabataynta Hubka fursadiisa.
J.Diblomaasiyada Caalamku na tusay.

Aduunku,wuxuu noo muujiyay rabitaan ah in aan Dowlad noqono oo aan dib ugu soo laabano masraxayada.

Marka si fursadaas looga faa’idaysto,waa in aan kobcinaa Dowladnimadeena,waxayna ku xoogoobaysaa gudaha Dalka oo laga shaqeeyo.

Xasan,wuxuu ku jiraa markiisii Labaad oo la doortay,waxaana hortaala taariikh in uu ka tago,wuxuu noqon doona hogaamiye si xun loo xasuusto ama mid dadaalay,inkastoo wakhti iska lumiyay.

Somalidu,waxay ubaahan tahay isqaadasho,is aqbalaad iyo isku tanaasul.

JQ.