Hot Topics

Midowga Afrika oo taageeray Midnimada iyo Gobanimada Dhuleed Ee Somaliya

Shir Madaxeedka Midowga Afrika,ayaa lagu soo gabagabeyey Magaalada Addis Ababa,waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024”.Ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka.

“Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada,sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya” Ayaa lagu yiri marksle Warka kasoo Midowga Afrika.

Midowga Afrika,ayaa ugu baaqaya Labada Dal in ay qaboojiyaan xiisadda,ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidii xal Nabadeed loogu heli lahaa arrinkan.