Hot Topics

Madaxweynaha Kenya oo lagu dhaliilay habkiisa dhexdhexaadnimo Ee Somaliya iyo Itoobiya

Midowga Afrika si weyn,ayuu uga xumaaday hab dhaqankii Dowlada Itoobiya ay kula dhaqantay MW Somaliya,waxayna sababtay in Gudi loo saaro arinkaas si dhab ah usoo qiimeeya.

Inkastoo aan qoraalka kasoo baxay lagu qorin hadana,waxay abuurtay xiisad weyn hab dhaqankii Ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale MW Kenya,ayaa lagu dhaliilay habkiisa dhexdhexaadnimo ee Labada Wadan Somaliya iyo Itoobiya.

Haatan Gudi uu ku jiro MW Geelle,ayaa loo saaray dhexdhexaadinta arinkan.

Warmurtiyeedkii kasoo baxay Midowga Afrika,waxaa si weyn loogu taageeray Midnimada iyo Madaxbanaanida Somaliya.

SL si cad,wuxuu Midowga Afrika uqiray in ay tahay Gobol ka mid ah Somaliya oo Itoobiya ay la gashay heshiis.

JQ.