Hot Topics

Israa’iil oo ku goodisay weerar xilli xaalad adag ay ka taagantahay Rafax

Wasiir ka tirsan golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil,ayaa muddeeyay waqti kama dambeys ah oo ay militarigoodu billaabayaan duullaanka ay doonayaan in ay ku qaadaan magaalada Rafah ee koonfurta Qasa.

Benny Gantz waxa uu sheegay in weerarku bilaaban doono haddii aaney Xamaas sii daynin dhamaan dadkii ay ku afduubteen weerarkii toddobadii Oktoobar ee sanadkii tagay toddobaadyo gudahood.

Hadalkaan,ayaa imaanaya iyadoo dadka ku nool Marinka Rafax ay la’yihiin meel ay u ciirsadaan maadama markii horaba qaar badan oo ka mid ah dadkaan ay ka soo carareen qaybaha kale ee Qasa.

Hay’adaha gargaarka,ayaa sheegaya in xaalad bini’aadanimo oo adag ay ka taagantahay Rafax, dadkuna ay wajahayaan dhibaatooyin sii kordhaya maalinba-maalinta ka dambeysa.