Hot Topics

Maxaa looga celiyay Puntland Wariye Jamaal Cismaan?

Wariyahan,waa la waraystay,waxaana lagu hayay Hotelkii uu kusoo degay ilaa Shalay.

Wariye Jamaal Cismaan,waxa uu sheegtay in uu uyimid Puntland duubista Barnaamijyo Dhaqan,lagumase qancin hadalkaas oo xogtiisa,waa lasii ogaa.

Sirdoonka Puntland,waxay xaqiijinayaan in ay hayaan xogo sheegaya in uu usocday Buuraha Bari si uu uga diyaariyo Barnaamijyo kooxaha argagixisada ah.

Maanta,ayaa dib loogu celiyay diyaaradii uu la socday ee uu ku yimid Garowe,taasoo ahayd Itoobiyaan Airlines Wariye Jamaal Cismaan.

Sirdoonka Puntland,waxay mudan yihiin in la bigaadiyo;sababtoo ah,waxay Gacan buuxda ku dhigeen Garoomada iyo Dekedaha wixii kasoo dega iyo wixii ka dhoofa.

JQ.