Hot Topics

Khudbada Wakiilka QM Ee Somaliya ay ka jeedisay Golaha amaanka

Iyadoo manta khudbad ka jeedinaysay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa ka hadashay Horumarka balaaran ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay ee ku aaddan hirgelinta waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, waxayna warbixin ka bixisay arrimaha siyaasadda, amniga, gobolka, xaaladaha bani’aadamnimada iyo arrimo kale.

“Dhanka dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,” Catriona Laing ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Dhanka Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, Catriona Laing waxay sii adkaysay hadalkii Xoghaya Guud ee QM Antonio Guterres, kaasoo sheegay in Golaha Amaanka ee QM ay ixtiraamayso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan hurinta erayada ama ficilada sii kicin kara xiisado colaadeed”.

Dhinaca horumarka amniga, Catriona Laing ayaa xustay in “QM ay ku faraxsan tahay in ay ka warbixiso horumarrada wanaagsan ee ku saabsan xasilinta meelaha dhowaan dib loo xureeyay. Gaar ahaan, waxaa jira horumar laga gaaray hirgelinta sharciga, maamulka, dib u heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu baahiyaa meelaha dib xureeyay.”

Xili ay ka warbixinaysay arrimaha haweenka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa tiri “Waxaan sii wadnaa la shaqeynta dowladda, haweenka ku jira baarlamaanka federaalka iyo bulshada rayidka ah si loo horumariyo hirgelinta qoondada haweenka ee 30%. Inkastoo dadaallo wadajir ah la sameeyay, hadana ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda waa caqabad taagan.”

Dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Catriona Laing waxay sheegtay in xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag, “Qorshaha ka jawaabidda arrimaha Bini’aadantinimo ee 2024-ka wuxuu u baahanyahay $1.6 bilyan si loo daboolo baahiyaha 5.2 milyan oo ah dadka nugul ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, 37% ayaa la dhimay baahiyihii taagnaa 2023. Dhimistani waxay la jaanqaadaysaaa habka cusub ee ka jawaabta baahiyaha bini’aadantinimo iyadoo mudnaan iyo tixgalin gooni ah la siinaayo hoos u dhaca dhaqaale ee caalamka.”.

QM.