Hot Topics

Muxuu Xasan Shiikh kala hadli doonaa Berri foog Baarlamaanka iyo Wasiirada DFS?

Sida xoguhu sheegayaan MW Xasan,wuxuu marka hore Shir gudoomin doonaa Shirkii Golaha Wasiirada Khamiislaha ahaa oo loo badalay mid aan caadi ahayn oo lasoo hirmariyay ee Xukuumada FS,kadibna,waxa usoo aadi doonaa Baarlamaanka.

Sadex arin,ayay wararku sheegayaan in midkood uu noqon doono hadalkiisa….

1.Ka daba tag hadalkii Shariif oo wax weyn yeelay qorshihiisii Dastuurka iyo Siyaasada Wadanka.

2.Go’aamo Itoobiya ka dhan ah oo laga yaabo in uu shaaciyo Berri foog hadii rabbi idmo,haduusan Geelle ilaa Caawa dhexdhexaadin uu wado aysan miro dhalin.

3.Mashquulin Baarlamaanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka si aysan isaga ugu mashquulin.

Wadanku xilli adag,ayuu marayaa oo baahida ugu weyn ee taagan ay tahay midnimo,taasoo umuuqata in MW Xasan uusan awoodin.

JQ.