Hot Topics

Xogo dheeriya oo laga helayo Dilkii mid ka mid ah Shaqaalaha Hawada Ee Xamar

Xogo;ayaa kasoo baxaya jihada fulisay dilka Ninkan u shaqaynayay Hay’ada Duulista Hawada DFS.

Hay’ada Sirdoonka DFS ee Nisa,ayaa wararka la helayo ay sheegayaan in ay fulisay Dilka Ninkan.

Sababta loo dilay,ayaa xogaha la helayo;waxay sheegayaan in lagu tuhmay udirista  SL xogta Kanalka cusub ee loo wareegay kadib markii laga guuray kii hore.

Dagaalka Hawada ee udhaxeeya DFS iyo SL,ayaa galaaftay Ninkaas,waxayse ahayd in la Maxkamadeeyo oo si waafaqsan Sharciga la maro.

Balse hadii ay dhab noqdaan xogaha soo baxaya,waxaa iswaydiin mudnaan doona Danbi hadii cadayn loo helo xarig uu ku filnaan lahaa ciqaabtiisa in Ceejin loo badalo?

Muwaadin Somaliyed in Dhiigiisa lagu xadgudbo maxay ka dhigan tahay?

In hay’ada Sirdoonka Qaranka ay fuliao Dilka Muwaadinkii ay uxilsaarnayd ilainta Dhigiisa,sharaftiisa iyo xuquuqdiisa?

 

 

JQ.