Hot Topics

Faallo:-Looma marin ansixinta heshiiskan Badda Ee Turkiga Wadadii saxda ahayd.

MW Fadaraalka,ayaa Gacantiisa kusoo qaaday heshiiska,kadibna hor fariistay Wasiirada saakay Afar Saac kana ansixiyay,sidoo kale,waxaa loo guuray Baarlamaanka oo laga meel mariyay waxyar kadib.

Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Fadaraalku ma yaqaanaan waxa ay ansixiyeen,waxayna ii xaqiijiyeen tiro ka mid ah in aan la arag waxa uu yahay.

Su’aashu waxay tahay?

Maxaa diidayay in la qaybiyo heshiiska nuqulladiisa oo laga doodo kadibna Cod sax ah lagu meel mariyo hadii laysla qaato?

Qodobka 54 ee Dastuurka Fadaraalka,ayaa dhigaya in arimaha masiiriga ah ee saamaynaya DG lagala tashto.

Sidoo kale,waxaa mudan in si gaar ah loo tixgeliyo heshiiskii Baydhabo 2018 ee qaybsiga Khayraadka Badda.

Heshiiska Turkiga ee Bada Somaliya,waxaa ka mid ah khayraadka Bada oo Dawlada Turkigu soo saarayso 30% Dawlada Turkiga,ayaa qaadanaysa,halka 70% Dawlada Federaalka Somaliya ay qaadanayso,waana arin ubaahan in laysla og yahay.

Nasiibdarada Somaliya haysataa,waa in aan la marayn Wadooyinka saxda ah ee Sharcigu dhigayo marka wax la meel marinayo.

Saakay heshiis Badda Somaliya Amnigeeda iyo Khayraadkeeda Dalkale loogu wareejiyay oo aan laga warqabin waxa uu yahay,ayaa la galay.

JQ.