Hot Topics

Faallo:-Puntland ma quseeyo heshiiska Badda Ee Turkiga lala galay

Puntland,waxay leedahay Booliska Amniga Badda oo si gaar ah uga hawlgala…

1.Burcad Badeeda
2.Kalluumaysiga Sharcidarada ah.
3.Argagixisada
4.Ka Ganacsiga Hubka.
5.Tahriibka.

Shaqo fiican oo la mahdiyay ayay qabteen mudadii ay Shaqaynayeen Ciidanka (PMPF).

Heshiiska DFS ay la gashay Dowlada Turkiga ee loo meel mariyay sida aan waafaqsanayn Xeerarka uu dhigayo Dastuurka Fadaraalka,PL ma quseeyo.

PL Dastuurkeeda,ayaa dhigaya inta laga helayo DFS oo masuul ah in ay udhaqanto Dowlad Madaxbanaan mana qabanayaan heshiisyada ay gasho DFS ilaa ay qayb ka noqoto.

PL,waxay ku taagan tahay xeerarka JFS iyo kuwa caalamiga ah,iyadoo tixgelinaysa Dowlada Turkiga,Natto,danaheeda Imaaraadka,isla markaana gudanaysa ilaalinta masiirka Bulshada ay matasho iyo kan Dastuurka Fadaraalka ah,waa in ay qaadataa go’aamo laga fiirsaday.

Culayska haysta PL,waa in DG kale aysan lahayn matalaad ay Dadkooda ku matalaan arimaha masiiriga ah oo ay yihiin Hal Nin Maamul uu ku danaysto.

PL,waxay maamushaa kala bar Badda Somaliya.

JQ.