Hot Topics

Faallo:-Puntland iyo saamaynta heshiiska Badda Ee DFS ay la gashay Turkiga

Kalluumaysiga ugu badan Somaliya,waxa uu ka jiraa Deegaamada Puntland,waxaana lagu tilmaamaa 60%.

Sidoo kale kala bar Badda Somaliya,waxay hoos tagtaa PL.

Hadii Turkigu rabo in uu fulo heshiiskan,waxaa laga rabaa in ay toos ugala xaajoodaan qaybta ay ku leedahay heshiiskan PL oo waliba ku qanciyo,isagoo ka ilaalinaya Siyaasada,waxna ka siinaya fursadaha.

Puntland way isku wadi kartaa danaha kala duwan ee Dowladaha caalamka,waxaana ufuran in ay Turkiga la macaamiisho,iyadoon cidna udaba fariisanayn.

Dooda PL waa in ay ku salaysnaataa Dastuurka,Xeerarka habraacyada iyo heshiiskii Baydhabo oo aysan umuuqan in ay diidan tahay danaha Turkiga.

Qodobada heshiisku ka kooban yahay,waxaa ka mid ah….

1.Dhismaha Ciidamo Somaliyed oo gaaraya 8000 Wajiga hore.

2.Dayminta Somaliya 7-Markab oo kuwa dagaalka ah.

3.Saldhigyo Ciidan Badeed oo 6- ah lagana dhisayo guud ahaan Badda Somaliya.

4.Maamulida iyo ilaalinta Kalluumaysiga Badda Somaliya.

Dhaqaalaha uga baxa Turkiga fulinta heshiiskan,wuxuu kasoo ceshan doonaa Khayraadka Badda ee lagu wareejiyay.

Heshiiskan qayb kama ahan in Turkigu difaaco Badda Somaliya ama damaca Itoobiya ka hortago.

Waxaa xusid mudan in heshiiskan 6-jeer Maraykanku horay usoo hor istaagay,balse haatan fasaxay.

JQ.