Hot Topics

SL oo weli sii wada carqaladaynta DuulimaadyadaHawada Somaliya

Somaliland,waxay markii hore furtay Radio ahaa kaydka Hawada Somaliyed hadii uu xumaado kan Muqdisho.

Radio-haas looguma talo gelin in la isticmaalo si joogta ah kaliya,wuxuu ahaa in markii xaalad deg-deg ah timaado la daaro,isagoo yaalay Hargaysa.

Kadib daarista Radio- haas,waxay kula hadleen Diyaaradaha isticmaalyay markaas Hawada ku Aadan.

Ilaa Sadex Diyaaradood,ayaa qoraal cabasho ah gudbiyay oo sheegay in lala hadlay,waxayna DFS uga jawaabtay qoraal rasmi ah oo ay Radio-haas ku fariisinayso in ay dirto.

Markaas,wixii ka danbeeyay Diyaaradaha caalamiga ah,waxay qaateen amarkii DFS iyo Kanalladii la siiyay,waxayna joojiyeen in ay dhagaystaan Radio Hargaysa kala hadla.

Dhanka kale SL ma joojin carqaladaynta Hawada,waxayna Qalab casri ah ka heshay Thailand,kaasoo ay weli ku dhexgasho Diyaaradaha isticmaalaya Hawada ku aadan.

Ujeedka SL waa qaylo gardhawaysay.

Halka DFS ay ka warwareegayso in ay qaado talaabooyin ad adag,iyadoo diidaysa in Shacabka caadiga ah ee SL culays ku dhaco oo Muuse iyo Maamulkiisu helaan taageero Bulsho.

JQ.