Hot Topics

Itoobiya, iyo UK oo kala saxiixday isfahan lagu xoojinayo xasiloonida Xuduudaha Kenya-Somaliya-Itoobiya

Dowladaha Itoobiya iyo Ingiriiska,ayaa saaka kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinayo Nabadda iyo xasilloonida Deegaannada dhaca xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya,ayaa sheegtay in heshiiskan isfahan MOU ujeedkiisu yahay in laga caawiyo bulshooyinka ku nool xuduudda Itoobiya iyo Kenya iyo Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ka hor tagida xagjirnimada”

Ambassador Jemaludin, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Darren Welch, ayaa heshiiska MOU ku saxiixay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

“Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay iska kaashadaan yareynta khatarta Al-Shabaab ee Gobolka,”Ayaa lagu yiri qoraalka MOFA.