Hot Topics

Turkiga”Heshiiska aan la galnay Somaliya ma’ahan mid Milleteri oo Itoobiya ka dhan ah”

Turkigu,wuxuu si cad usheegay in heshiiska uu la galay DFS uusan wax saamayn ah ku yeelanayn khilaafka dhexyaala Itoobiya.

“Labada Wadan,waxaan la leenahay xiriir wanaagsan,sidaan horay uga caawinay Dowlada Itoobiya xaaladii amaan ee Gobolka Tigraay,ayaan si la mid ah,waxaan Dowlada Somaliya ka caawinaynay mudo dheer la dagaallanka argagixisada,heshiiskayaguna mahan talaabo Milleteri oo ka dhan ah Itoobiya”.

“Waxaan leenahay Itoobiya waxa ay rabto haku raadsato xal Diblomaasi,isla markaana waa in Somaliya,SL iyo Itoobiya ay wada fariistaan oo ay isfaaana oo wax ku heshiiyaan,sidii dhacday 2007 kulankii Ankara ee dhexdhexaadinta Somaliya iyo SL”

Waxaa mudnaan leh in Turkigu si cad ugu dhawaaqayo Somaliya iyo Somaliland.

Hadalkan,waxa uu meesha ka saarayaa sheegashadii DFS ee ahayd Turki,ayaa naga difaacaya damaca Itoobiya ee Baddeena.

 

Halkan ka daawo muuqaalka