Hot Topics

Yaa ka danbeeyay dilka Xil.Ahmed Aadan Ee Muqdisho?

Xildhibaan hore Axmed Aadan wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo baxay Jaamacadda Madiina Al-Munawara ee dalka Sacuudiga. Wuxuu bartay Culuumta Qaanuunka iyo Shareecada Islaamka.

Wuxuu ka mid noqday Barlamaankii 9aad ee Federaalka Soomaaliya, isagoo matalaayey Somaliland.  Wuxuu ka mid noqday Guddiga Barlamaanka ee arrimaha Carabta, isagoo mar dambena loo doortay xubin Guddiga arrimaha teknolojiyadda ee Barlamaanka.

Axmed wuxuu ahaa nin af gaaban, deggan oo aan dhac-dhac badneyn. Sida dadka yaqaana iyo kuwii ay soo wada shaqeeyeen ii sheegeen Wuxuu ahaa nin aqoontiisa diineed iyo maaddi ay ku filneyd.  Weligiisna balwad ma isticmaalin haba yaraatee.

Axmed shalay isagoo fiican oo aan wax dhibaato qabin ayaa meydkiisa laga heley Muqdisho.  Waa dhacdadii labaad oo dhowr maalmood gudahood lagu beegsado qof kasoo jeeda Hargeysa.

Been abuuradka ay bilawday @HSNQ_NISA ee lagu doonayo in lagu jaa’ifeeyo meydka Axmed Aadan waa mid walaac leh. Xurmada meydka waa in la dhowraa, qof aad disheen inaad caay iyo aflagaaddo suuqa u marisaan ma aha dhaqan Islaam iyo mid Soomaaliyeed. Ogaada dadku way idinka horreeyaan.

Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay AUN Marxuum xildhibaan hore Axmed Aadan. Samir iyo iimaan Rabbi ha idinka siiyo.

W/Q Abdale Ahmed Muumin

@Cabdalleaxmed