Hot Topics

Maxay ahayd sababta Maraykanku u hor istaagay heshiiska Turkiga iyo Somaliya wakhtigii F&F?

Maraykanku,waa diiday Barnaamijka Turkigu soo diyaarsaday ee uu rabey in uu kula wareego arimaha Ciidamada iyo amaanka ee Somaliya xilligii F&F.

Haatan mudo xileedkan Xasan,wuxuu ogolaaday qayb ka mid ah Qorshihii Turkiga oo ah Ciidanka Badda,isagoo ka duulaya Sadex arimood oo kala ah…

1.Turkiga oo Natto ka mid ah,isla markaana ah Gacmaha uu ku adeegto oo dib usoo noolaanshaha Ruushka iyo soo korida Shiinaha uu kula diriro.

2.Damaca Badda Somaliya ee Itoobiya oo uu arko khatar taabanaysa marka danbe amniga Qarankiisa.

3.Heshiiska Qaybtan oo aan macno weyn lahayn,waxa ku dhex jirana ay tahay Ganacsi Kalluun iyo qalabayn kooban oo Ciidan Badeed ah.

Maraykanka iyo R.Galbeedku Somaliya,waxay utahay Wadan aysan cid kale u ogolayn in ay ka faa’ido oo ay ilaalsadaan.

Xasan saxiixa qaybtan ka midka ahayd Barnaamijkii Turkiga,wuxuu ogolaansho xadidan uga helay Maraykanka.

JQ.