Hot Topics

Ma hirgeli kartaa fikrada dhisme Ciidamo Badeed oo ay wada leeyihiin Wadamada Badda Cas?

Madaxweyne Cabdel-Fattah Al-Sisi iyo dhiggiisa Ereteriya Isiyaas Afawerki,ayaa Sabtidii ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika.

Labada Madaxweyne,waxayna si cad usheegeen in loo baahan yahay in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya.

Xiisada Geeska Afrika,ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Maamulka Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya.

Itoobiya,ayaa doonaysa in ay ka samaysato Saldhig Ciidan oo Badda ah iyo Deked Ganacsi Deegaan Xeebeedka Lugahaya ee SL.

Heshiiska SL iyo Itoobiya kadib,Masar waxa ay mar kale sheegtay inay garab taagan tahay Somaliya oo ay ka taageeri doonto amnigeeda iyo xasiloonideeda, iyadoo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo madaxbannaanida Dhulkeeda.

Booqasho uu ku tagey Masar Bishii hore MW Somaliya,ayay MW Masar isku afgarteen in Wadajir loo dhisto Ciidan Badeed oo ka kooban Wadamada Badda Cas,si looga hortago damaca Itoobiya,lamase oga sida fikradaas loogu badali karo ficil muuqda.

JQ.