SL oo warbixin kasoo saartay Maydka Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha Ee Hay’ada Duulista DFS

“Marka koowaad Cabdinaasir waxaa loo gaystay in lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu ay wayn tahay, kaas oo calaamadaha noo muuqda uu yahay ugu yaraan in xarigaas Qoortiisa lagu hayay muddo 5-daqiiqo ah illaa 7-daqiiqo inta u dhexeysay”Ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay agaasimaha in ka hor inta la dilin Marxuumka loo gaystay jirdil xoogan oo ka muuqday jirkiisa,ayna ku ogaadeen baaritaanka ay ku sameeyeen.

“Waxa kale oo nooga muuqday Marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in daanka Midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay Xiniinta Bidix oo Barar iyo Qarax weyn uu ka muuqday”Ayuu sii raaciyay.

Natiijada ay shaacisay Somaliland;ayaa sidoo kale lagu sheegay in Marxuumka loo gaystay dhibaato kale oo weyn,isla markaana Saddexdii Cishe ee ugu danbeysay Talaagadii uu ku jiray Maydkiisu laga jaray Dabka,taasoo sababtay in muuqaalka Maydkiisu isbeddalay.