Hot Topics

Mid ka mid ah Shaqaalaha hay’ada Duulista DFS oo la xiray

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA,ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Mubaarik,ayaa ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.

Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa Magaalada Muqdisho.

Dad badan,ayaa ku doodaya in Dadka loo qabanayo Dilkii Agaasime Cabdinaasir ay yihiin kuwii aan saxda ahayn oo ay yihiin marin habaabin.