Hot Topics

Akhriso Golaha Wasiirada cusub Ee PL Gobollada siday ukala heleen

Habeenka Arbacada soo galayso,ayaa lagu dhawaaqayaa Golaha Wasiirada Puntland.

GOBOLKA BARI:

1: Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada.
2: Wasaarada Qorshaynta.
3 .Wasaarada Macdanta iyo Biyaha.
4.Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada.

GOBOLKA NUGAAL:

1:Wasaarada Maaliyada
2:Wasaarada Amniga.

GOBOLKA SANAAG:

1.Wasaarada Duulista hawada
2 .Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
3.Wasaarada Waxbarashada.

GOBOLKA MUDUG:

1.Wasaarada Arimaha Gudaha
2.Wasaarada Cadaalada,Diinta iyo Awqaafta.
3.Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.
4:Wasaarada Deegaanka Duur joogta iyo Dalxiiska.

GOBOLKA SOOL :

1.Wasaarada Caafimaadka.
2: Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dhaliinyarada iyo Ciyaaraha.
3:Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

80% wajiyo cusub oo horay siyaasada Puntland iyo Somaliya ugu jiray ayay ubadan yihiin.

Golihii hore ee Wasiirada Puntland,ayaa 1 ilaa 3-Xubnood waxaan dhamayn laga soo celin doonaa.

Waxaa xusid mudan in Golaha Wasiirada shaqsiyaadka loo xulanayo hada ay yihiin dad khibrad ahaan,waayo arag nimo ahaanba ka saamayn badnaan doona Golihi hore,waana Odayaal Beelaha PL iyo Soomaaliya saamayn ku dhex leh.

Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiru Dowlayaashii hore,ayaa iyana ilaa 3 ilaa 4 xubnood soo laaban doonaan.

Dhanka DFS,ayaa iyana sidaan xogta kuhayo sugaysa magacaabista Golaha Wasiirada PL,iyadoo Isha ku haysa shaqsiyaadka lasoo xuli doono iyo saamayntooda.

JQ.