Maxaan ka ognahay khilaafka meesha adag maraya Ee ka dhex qarxay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya?

Abiy,wuxuu khatar ku yahay xasiloonida Bariga Afrika,wuxuuna ku jiraa go’doon Diblomaasiyadeed oo Aduunkoo idil ah.

Gudaha Wadankiisa dagaalkii Sadexaad oo xoog leh,ayaa ka socda.

Eretereya,waa kala tageen,Jabuti iskuma fiicna,Sudan,waa kala Goosteen xiriirkii.

Somaliya,wuxuu hunguryeeyay Badeeda,isagoo ku xadgudbay Midnimadeeda iyo Gobanimadeeda.

Dagaal Diblomaasi oo ay Somaliya wada galeen,waxaa ku adkaatay Somaliya oo caalamku,wuxuu taageeray doodeedii,halka Itoobiya dhabarka loo jeediyay.

Kenya,ayuu ku haystaa Xuduuda Labada Wadan Deegaan ku yaal oo Ganacsiga muhiim u ah.

Sababta ay Kenya ucasuntay MW Somaliya,waa dagaal Diblomaasiyadeed oo ay isaga kula dirirayso.

Kenya,waxay haatan fahantay in gardarada Abiy uu ku hayo Somaliya ay iyagana kusoo wajahantay oo ay tahay in ay hada ka hor tagaan oo go’aan cad ka qaataan oo ay garab siiyaan Somaliya.

Markii hore MW Kenya,waxaa lagu dhaliilay dhexdhexaadintiisa Somaliya iyo Itoobiya oo wuxuu awood uyeelan waayay in uu Abiy xaqiiqda taabsiiyo.

MW Ruto,waa Nin ay ku weyn tahay Kiristaanimadu oo Kaniisad ku xiran kana eegaya arinka Somaliya iyo Itoobiya dhanka Cibaadada Diiniga ah.

 

JQ.