Hot Topics

Faahfaahin Duulimaadka Itoobiya Airlines Ee sababy ina ay ka guurto Hawada Somaliya

Duullimaadka 602 ee diyaaradda, oo ka soo duushay Addis Ababa kuna socotay Dubai todobaadkii hore; Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegtay in ay heleen xog ku saabsan in diyaaradda Qatar Airways ay ku soo wajahan tahay oo ay hawada ku soo jirto.

Shirkadda,ayaa xustay in diyaarada Qatar oo ku duuleysa hawada Soomaaliya ay ku soo wajahnayd diyaarada Ethiopian Airlines islamarkana sare looga qaaday diyaaradda jawigii ay ku duuleysay iyadoo ogolaansho ay siiyeen shaqaalaha hawada Muqdisho.

Ethiopian Airlines,ayaa sheegtay in masaafada labada diyaaradood u dhaxeysay ay ahayd 23 KM.

Maamulka duulista hawada Soomaaliya,ayaa arrintaasi beeniyey,iyadoo sheegtay in masaafada labada diyaarad u dhaxeysay aysan ahayn mid halis ah.