Hot Topics

Maxay Hay’ada Duulista Rayidka Somaliya ka tiri amaanka hawada?

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya,ayaa beenisay warka sheegaya in hawada Soomaaliya aysan ahayn mid la isku haleyn karo oo halis ah.

Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaliya, Axmed Macallin,ayaa sheegay in hawada Soomaaliya wax iska baddalay aysan jirin islamarkaana ay ammaan tahay.

Xiisaddan,ayaa ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee ay wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, taas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasa Shiikh ku tilmaamay gardarro cad oo lagu soo qaaday Soomaaliya.

Tan iyo heshiiskaas diyaarad ay lahayd Itoobiya,ayaa laga celiyey hawada Soomaaliya, waxaaana muddooyinkii ka danbeeyey ay Somaliland iyana shaacisay in ay ‘wixii carqalad ah’ ee ka dhasha ay u taallo Soomaaliya.

Labada dhinac,ayaa midba ka kale ku eedaynayey carqaladayn dhanka hawada ah iyo xogo is dhaafsan ee mudooyinkii u danbeeyey ay la kulmayeen qaar ka mid ah diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.