Hot Topics

Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay tiro Falastiniyiin ah oo la laayay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan Wararka is-khilaafsan ee ka soo baxaya,sida weerarku u dhacay.

Afhayeen u hadlay Aqalka cad oo lagu magacaabo Olivia Dalton,ayaa dhimashadan ku tilmaantay in ay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

Saraakiisha caafimaadka ee Qasa,ayaa sheegay in Ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi. Goordambe,ayaa wararku sheegeen, in Ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey in ay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira, in ay kala degaan Gaadiidka.