Hot Topics

Maka badbaadayaa Putin isticmaalka Hubka Niyukleerka?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in ay bilaabayaan dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. Waxa uu sheegay inuu haysto hub uu ku weerari karo bartilmaameedyo ku yaalla Galbeedka.

Isaga oo ku guda jira khudbadda sanadlaha ah ee xaaladda dalka, ayaa Putin uu yiri dalalka ree Galbeedka ahi “waa inay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?”

In kasta oo xulufada Ukraine ee reer Galbeedka ahi ay Kyiv u diraan saanad milatari, laakiin midkoona wali ma oran waxaan dirayaa ciidan ka garab dagaalama kuwa Ukraine.

Hase yeeshee, horraantii toddobaadkan ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in, in kasta oo aanu jirin qorshe meel yaalla oo ciidan reer Galbeed ah lagu dirayo si ay Ukraine uga dagaallamaan, haddana ay suurto gal tahay.

Waxa uu yiri “Ma jiro heshiis maanta yaalla oo si rasmi ah oo la isla qaatay oo ciidan loogu dirayo. Hase yeeshee, sida ay wax u socdaan, waxba meesha lagama saari karo.”

Dhowr madaxda reer Yurub ah ayaa ka hor yimid soo jeedinta Macron ee ciidan-dirista. Maraykanka ayaa isna tallaabadaas oo kale qaatay. Dalka Ukraine, xubin kama aha NATO, sidaas darteed xulufada reer Galbeedku kuma khasbana inay iyada difaacaan.