Hot Topics

Shirkada Itoobiya Airlines oo beenisay in ay joojisay isticmaalka Hawada Somaliya

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya Airlines,ayaa beenisay wararka sheegaya in ay joojisay isticmaalka Hawada Somaliya.

Warkan oo Warbaahinta si weyn uqaadatay Maanta.

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya,waxaa lagu qiyaasaa Maalinkii in ugu yaraan 14-Diyaaradood oo ay leedahay ay dulmaraan Hawada Somaliya.

Maalinkii,waxay ku bixisaa Itoobiyan Airlines isticmaalka Hawada Somaliya $395×14=$5580.

Halka Bishii ay noqonayso $5580×30=$167400.

Halka Sanadkii ay tahay $167400×12=$2008400.

Itoobiyaan Airlines Hawada Somaliya,iyadaa uga baahi badan Somalida oo waxaa jira Wadamo Asia-da fog ka mid ah oo aysan gaari karin,iyadoo marta maahee Hawada Somaliya.

DFS ma Siyaasadayn isticmaalka Diyaaradaha,Socdaalka iyo Diblomaasiyada.

JQ.