Hot Topics

Booliska Puntland oo Gacanta ku dhigay Qalab argagixisada loo waday

Garoowe, Maarso 03, 2024: Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah,

1. Faisa Cali Maxamed
2. Cabdi Axmed Cusmaan.
3. Haaddi Cumar Cilmi
4. Cabdi Maxamuud Cali
5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka ay leeyihiin Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.

2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory

3. Biisooyin Kaashwito

4. Kabo balistig ah.

5. Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system)

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

Booliska ayaa fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA QAYBTA
BOOLISKA GOBOLKA NUGAAL.