Hot Topics

Maxaad ka og tahay awoodda Milatari Ee Xuutiyiinta?

Weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas ayaa la arkayey Xuutiyiinta oo adeegsanaya gantaallada maraakiibta iyo kuwa riddada dheer, diyaaradaha iyo doomaha iskood is wada.

Qayb ka mida weerarradii ay ku qaadeen maraakiibta ayey Xuutiyiintu isticmaaleen doomo yar yar iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Diyaaradda nooca an duuliyaha lahayn ee ‘Kamikaze’ ayaa Xuutiyiinta loo malaynayaa in ay adeegsadeen taas oo iyagu ugu yeeraan Qasef oo qaab samayskeda qaybta dambe ay u samaysan tahay sida xarafka V ee luqadda Ingiriiska, hubkaas oo Xuutiyiintu u heleen markii hore in ay u istcimaalaan sidii ay uga hortagi lahayeen xulufada Sucuudiga.

Sida uu sheegay Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow, Xuuthiyiinta ayaa heysta gantaalada kala duwan ee ka hortagga maraakiibta, kuwaas oo gaaraya masaafo dhan 40 ilaa 300km, oo ay ku jiraan gantaalada Sayyad iyo Sejjil.

Gantaallada riddada dheer ee kooxda ayaa sidoo kale ku dhufan kara bartilmaameedyo ilaa 800km u jira, sida ay sheegtay hay’adda ‘the think-tank’ gantaalladaas oo ay xustay in ay garaaci karaan masaafooyin fog fog.

Noocyada gantaallada riddada dheer iyo kuwa maraakiibta ayaa aad looga cabsi badan yahay diyaaradaha an duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahanka badda Sal Mercogliano, isagoo intaa ku daray in ay ku xirmaan gumacyo waaweyn oo awood leh.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isqarxiya, ayuu yidhi Mercogliano, way ka tiro badan yihiin, sababtoo ah way ka jaban yihiin wayna fududdahay in la isku keeno, laakiin sidoo kale way ka gaabiyaan.

Laakiin nooca USV-yada ee doomaha la hago ayaa ah kuwa sida gaarka ah looga welwelsan yahay sida uu Mercogliano sheegay kuwaas oo awood u leh in lagu dhufto maraakiibta si Khadka looga weeciyo amaba loo quusiyo.

Iskahorimaadka hadda socda, Xuutiyiinta ayaa markii ugu horreysay adeegsatay markab la hago oo aan cidina saarnayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 4tii Janaayo, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, waxayna ku qarxiyeen marinnada maraakiibta caalamiga ah.

“Nasiib wanaag, ma jiraan wax khasaare ah, mana jiraan wax maraakiib ah oo la garaacay, laakiin soo bandhigida weerar ay fulinayaan doomaha aan la hago ayaa ah mid walaac leh,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda ee Maraykanka Admiral Brad Cooper. Isagoo intaa ku daray in weerarrada la adeegsaday ay ahaayeen kuwo cusub oo awood leh”

Si kastaba ha ahaatee, Xuutiyiinta ayaa bishii Janaayo 2017 u adeegsaday USV-ga weerar ay ku qaadeen markabka Sucuudiga ee Al-Madinah, iyo mar kale “isku day fashilmay oo la doonayay in lagu weeraro markab shidaal oo ku sii jeeday magaalada Cadan ee Yemen bishii Maarso ee 2020”, sida ay sheegtay dowladda Sacuudiga.

 

Xigasho:-BBC