Hot Topics

Faallo:-Yaa Caqabad iyo loolan ku ah hamiga PL Ee Kursiga Villa Somaliya 2026?

Meesha loo socdo,waa 2026 iyo Kursiga Villa Somaliya ugu sareeya.

PL,waxay Kursigaas uwadataa Madaxweyne Deni dhawr sababood awgood.

Su’aasha meesha taal,waxay tahay…

Yaa ku ah caqabad hamiga PL iyo raadinta Kursiga ugu sareeya Wadanka ee Deni?

Waxaa caqabad ku ah Siyaasiga kasoo jeeda Beesha Daarood.

PL,wax macno ah uma leh Daaroodku in uu ahaado Tol Siyaasadu ka dhaxayso ee waxaa umacno badan in uu ahaado Tol qaaraan iyo hiil ka dhaxeeyo oo kaliya.

Siyaasiga Beelaha kale ee Somaliyed kuma ahan caqabad hamiga PL ee wuxuu ku yahay loolan caadiya oo looga adkaan karo ama uu ku adkaan karo.

Hadaba,iyadoo laga duulayo fahamkaas,waa in aan loo samayn masrax ama kobcin ama diyaarin Siyaasi aan ahayn Deni oo Beesha kasoo jeeda.

Shirka Garowe in laga maarmo,ayuu ku wacan yahay,hadiise uu dhacayo,waa in uusan noqon mid lagu soo saaro Siyaasi aan Deni ahayn.

Si gaar ah,waa in Farmaajo la baajiyaa kasoo qaybgalkiisa Shirkaas sidii Caano shubkiiba looga baajiyay.

JQ.