Hot Topics

Faallo:-Farmaajo oo fursad la siiyo waa burburinta PL iyo Nidaamka Fadaraalka

Farmaajo,waxaan kusoo dhawaynay Puntland,isagoo Afar Bilood xukunka haya oo la go’doomiyay.

Bah iyo Boqor waa ukacnay oo waxaan tusnay ehelnimo,hiil iyo adeecid hogaamintiisa.

Garowe Dowlada,ayaa si maqaam leh ugu soo dhawaysay.

Qardho Boqorkii Daarood,ayaa Faras ku gudoonsiiyay.

Bosaso qaybihii Bulshada,ayaa usoo baxay soo dhaweyntiisa.

Mudug Islaan Bashiir,ayaa ku gudoon siiyay Seef Dahab ah.

Muxuu noogu abaal guday?

1.Shahaadadii Ardayda oo uu joojiyay.
2.Dhagaxdhigii Dekeda Garacad oo uu diiday.
3.Mashaariicdii PL oo uu hor istaagay.
4.Siyaasiyan oo uu noola diriray.

Hadaba Maanta oo Dadkii Shalay noo adeegsanayay ay soo xooreen ma Anagaa siina fursad kale?

Ma waxaan dhisnaa..

1.Burburinta Fadaraalka.
2.Burburinta Puntland.
3.Dhisida Dowlad kaligii taliye.
4.Awood siinta Dadka cuqdada qaba.
5.Awood siinta Sirdoon shisheeye.

Madaxweyne Deni haka fiirsado talaabooyinka Siyaasadeed ee uu qaadayo.!!

JQ.